Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Taliban oo haweenka dalkooda ku soo rogay amar dhaliyay caro caalami ah.

Taliban oo haweenka dalkooda ku soo rogay amar dhaliyay caro caalami ah.

Amar ka soo baxay Taliban oo haweenka looga mamnuucay in ay u shaqeeyaan hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa waxaa cambaareeyay Qaramada Midoobey iyadoo ku tilmaantay tallaabadaasi mid xadgudub ku ah xuquuqda aas-aasiga ah .
Hoggaamiyaasha Islaamiga ah ayaa sheegay in haweenka u shaqeya hay’daha samafalka ay baal mareen habka lebiska Islaamka oo aaney xijaab xiran.
Wareegtadan ayaa kusoo beegmaysa maalmo un kadib markii haweenka ardayda ah laga mamnuucay jaamacadaha.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale dhaleeceeyay tallaabadan isagoo sheegay in ay tahay "mid dhibaato ku ah shacabka Afgaanistaan.

Amarkan ayaa Sabtidii ka soo baxay Wasaaradda Dhaqaalaha waxaana uu ku socoday hay’adaha samafalka ee dalka iyo kuwa caalamiga ah. Wasaaradda ayaa ku hanjabtay inay laali doonto shatiga hay'ad kasta oo aan si degdeg ah u fulin amarkan.
Tallaabadan ayaa dhalisay caro caalami ah, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay, isagoo intaa ku daray inay " carqaladeyn doonto gargaarka muhiimka ah iyo badbaadinta nafta ee malaayiinta qof".
Haweenku waxay udub dhexaad u yihiin hawlaha bini'aadantinimo ee aduunka go'aankani wuxuu noqon karaa mid dhibaato u geysta dadka Afgaanistaan," ayuu yiri Mr Blinken.