Qarax booyad shidaal oo ay ku dhinteen in kabadan 10 qof 40 kalena ku dhawacmen ayaa ka dhacay dalka Koonfur Afrika.
In kabadan 10 qof ayaa ku dhintay, 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen dalka Koonfur Afrika kadib markii booyad shidaal ay ku qaraxday magaalo ku dhow magaalada Johannesburg, sida ay sheegeen ciidamada gurmadka.
Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Boksburg ka dib markii booyada oo siday gaaska dareeraha ah (LPG) ay qabsatay buundada hoosteeda oo u dhow isbitaal iyo guryo.
dhimashada ayaa kor u dhaaftay 10 sida la sheegay kana muqata
Muuqaalo ay dadka deegaanka ku faafiyeen baraha bulshada kuwaas oo muujinaya qasaaro dhimasho dhawac iyo mid hantiyeed ba leh ee ka dhashay qaraxan iyadoo dadka lugeynayay ay ka cararayaan dabka iyo baabuurta oo si xawli ah ku socda.
Guryo kala duwan iyo gaadiid ayaa la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanka.