Putin oo sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal, balse ku eedeeyey Kyiv iyo reer galbeedku inay ka cago-jiidayaan.
Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in inuu wada xaajood la galo dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Ukraine balse waxa uu ku dooday in xukuumadda Kyiv iyo taageerayaasheeda reer galbeedka ay diideen in ay wada hadal la galaan Ruushka. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa hadalka ku sheegay wareysi uu bixiyay.
Waxaan diyaar u nahay inan la xaajoono cid walba oo ay qusayso xalka la aqbali karo lakiin taasi ayaga ayay ku xiran tahay ma nihin kuwo diidan gorgortanka ayuu ku yiri Putin waraysi uu siyay talafashinka ka qaranka raashia.
Duulimaadka ruushka 24 February ee dalka Ukraine ayaa dhaliyay iska hor imaadkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca qarada Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka iyo iska hor imaadkii ugu waynaa ee dhexmaray moosko iyo ree galbeedka tan iyo 1962dii ee xiisadii gantaaladii kuuba.
Xukuumada kirimiliinka ayaa sheegtay in ay dagaalami doonto ilaa laga gaarayo dhamaan ujeedooyinkeeda halka xukuumada keeyf na ay sheegtay in aysan nasan doonin ilaa askari walba oo ruush ah ay ka saarayso dhamaan dhulkeeda oo ay ku jirto kareemiya oo ruushku qabsaday sanadkii 2014kii.