Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Cristiano Ronaldo: Kooxo Badan Oo Reer Yurub Ah Ayaa Doonayay Saxiixayga Laakiin Waan Iska Diiday Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah

Cristiano Ronaldo: Kooxo Badan Oo Reer Yurub Ah Ayaa Doonayay Saxiixayga Laakiin Waan Iska Diiday Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu iska diiday kooxo badan oo reer yurub ah ka hor intii uuna ku biirin kooxda Al-Nassr.

Kooxda Al-Nassr ayaa maanta taageerayaasheeda u soo bandhigtay Cristiano Ronaldo kadib markii uu tijaabada caafimaadka ku baasay maanta.

Cristiano Ronaldo Ayaa sheegay in uu iska diiday kooxo badan oo reer yurub ah sabab la xidhiidha in uu balan-qaad u sameeyay kooxda Al-Nassr si uu ugu biiro.

Ronaldo ayaa sheegay inuu dalabyo ka helay kooxo ka dhisan Yurub, Brazil, Australia, USA iyo Portugal, laakiin uu ku biiray Al-Nassr sabab la xidhiidha in uu Kooxda u balan-qaaday in uu ku biiri doono.

“Aad ayaan ugu hanweynahay inaan qaato go’aankan weyn ee nolosheyda,” Ronaldo ayaa ka sheegay intii uu ku jiray badhigiisa.

“Shaqadydu yurub way ka soo dhamaatay, waxa aan ku guulaystay wax walba sidaas darteed waxa aan doonayay in aan tartan cusub qaato Al-Nassr ayaana ii soo bandhigtay, wayna ku mahadsanyihiin”.

“Aniga ahaan in aan ka ciyaaro Saudi Arabia waa tartan adag waana ku faraxsanahay, waxa aan dalabyo badan ka helay Yurub, Brazil, Australia, US iyo xitaa Portugal kooxo badan ayaa isku dayay inay ila soo wareegaan, laakiin waxaan doortay Al-Nassr”.