Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidamada Dowlada Federalka Soomaaliya oo dhaqdhaqaaq ciidan kawada Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Ciidamada Dowlada Federalka Soomaaliya  oo dhaqdhaqaaq ciidan kawada Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Daraawiishta DG Galmudug & Dadka deegaanka ayaa dhaqdhaqaaq ciidan kawada Magaalo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug si ay ugu ruqaansadaan deegaannada ‘AS’ ka joogaan Koofurta Gobolkaas.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, DG Galmudug oo ay kamid yihiin Xildhibaanno & Wasiiro ayaa la kulmay ciidamadaan loo diyaariyay in ay ku duullaan deegaannada & Degmooyinka ay ku sugan yihiin ‘AS’.

Sarkaal katirsan Ciidamada Daraawiishta DG Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidanka la diyaariyay qalab & isku xir ahaan lana siiyay amarkii ay ku duullaan tegi lahaayeen si ay gacanta ugu dhigaan deegaannada ay weerarka ku yihiin.

Degmada Xarardheere & Deegaannada kale hoostaga ayuu yahay bartilmaameedka ugu weyn ee Ciidamada Federaalka, Daraawiishta DG Galmudug & Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda si ay u qabsadaan.

Wasiirka Amniga DG Galmudug ayaa sheegay in Dadka Deegaanka ay fududeynayaan goobaha sahli kara in si fudud loo galo Magaalooyinka & tuulooyinka ay ku wajahan yihiin askarta iskaashaneysa.

Ciidamada Gaarka u tababaran ee DANAB & GORGOR ayaa qayb ka ah howlgallada & dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda Koofurta Gobolka Mudug, DG Galmudug ayaa sidaas oo kale sheegtay in duullaankooda u jiheysan doonno Gobolka Galgaduud.