Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Ruushka oo gantaalo roobka kaga dhigay Ukraine.

Ruushka oo gantaalo roobka kaga dhigay Ukraine.

Ruushka ayaa gantaalo tiro badan ku weeraray gabi ahaan dalka Ukraine, iyada oo la soo sheegayo gantaal ku habsaday dhismo ku yaallay magaalada Snipro oo bariga dalkaasi ku taalla ay ku dhinteen 12 qof.


Magaalooyinka uu Ruushka gantaalahaasi uu ku duqeeyey waxaa ka mid ah magaalooyin ay ka mid yihiin Kyiv, Kharkiv iyo Odesa.
Dalka Ukraine intiisa badan waxaa hareeyeey mugdi kaddib marki ay gantaalaha Ruushka burburiyeen kaabayaasha korontada magaalooyin dhowr ah.
Mar sii horreysayna UK waxay sheegtay tiro Taangiyada ‘Challenger 2’ iney Ukraine u direyso si ay difaaceeda ugu xoojiso.


Raysal wasaaraha UK Rishi Sunak wuxuu sheegay Tangiyada Challenger ee ay UK sameyso iney Ukraine ka caawinayaan ‘iney ciidamada Ruushka dib u riixdo.’
Ruushka wuxuu sheegay hub dheeri ah oo Ukraine la siiyo iney ka dhalaneyso howlgal ballaadhan oo ay ciidamada Ruushka qaadaan iyo waxyeello tiro badan oo dadka rayadka soo gaarto.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay weerarrada Ruushka iyo waxyeella soo gaarto dadka rayadka ah in lagu joojin karo oo keli ah haddii ay Ukraine waddamada reer galbeedka ay ka hesho hubka lagama maarmaanka ah ee ay u baahan tahay.


Farriin muuqaal ah uu Zelenesky xalay soo dirayna wuxuu ku sheegay gantaalaha ay Moscow soo ridday 30 ka mid ah in la soo riday.
“Hubka ku keydsan bakhaarrada waddamada aan xulfada nahay ayey askarteenna si weyn u sugayaan,” ayuu yiri Zelenesky.
Kooxaha samatabixinta ayaa ka shaqeeynaya baadigoobka dadka ku hoos jira burburka dhismaha burburay ee ay madaafiicda Ruushka ku habsadeen oo ku yaalla Dnipro.


Weerarka dhisma ku yaalla Dnipro oo gantaalaha Ruushka ay ku habsadeen waxay Ukraine ku tilmaantay mid bahalnimo ah ayna ku dhaawacmeen 73 qof oo ay 14 carruur ah ku jiraan