Duqa Muqdisho“Haddii aan lala shaqeyn ciidanka ilaalinta deegaanka sidee ayuu guddoomiyaha degmada mushahar u helayaa”.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa wadashaqeyn ka dalbaday mas’uuliyiinta Degmooyinka, Ciidanka Ilaalinta Deegaanka & Xubnaha kale ee shaqo wadaagga ay yihiin.
Yuusuf Madaale ayaa wadashaqeyntooda ku xiray in lagu dardargelin karo horumarinta Degmooyinka Gobolka Banaadir si loo xoojiyo adeegga Bulshada ay wakiilka uga yihiin mas’uuliyiintaan waa sida uu hadalka u dhigay Duqa Muqdisho.
Dadka ka shaqeeya Degmada ayuu sheegay in ay u baahan yihiin Mushahar taasina lagu heli karo marka lala shaqeeyo Ciidamada ilaalinta deegaanka oo si gaar ah ugu xilsaaran uruurinta lacagaha canshuurta.
Yuusuf Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa hadalkaan ka jeediyay shirka Banbaxa ee ay ka qaybgaleen dhammaan mas’uuliyiinta maamulka Gobolka & shaqaalaha oo diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa.