Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi hordhac u ah Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Shirka dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed ayaa gaaray maanta Magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga oo hoggaaminaya Agaasimaha Guud Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Agaasmiha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Abdifatax Mahad Cabdiraxmaan, Sarakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Galinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaro Magaalada Baydhabo oo ah xarunta Gobolka Baay ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Safarka Madaxweynaha ee Baydhabo ayaa daaran ka qeyb galka Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed kaas uu ku baaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Shirka ayaa la qorsheeyay in uu qabsoomay 5-ta January 2023-ka balse waxaa saluugay qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyaga oo sheegay in shirka ay sida wada jirka ah u iclaamiyeen Guddoomiye Aadan Madoobe & Madaxweyne Laftagareen ay keentay in dib loo dhigay xilligii loo asteeyay qabsoomistiisa.