Talaado, 24 Nofembar 2026
Ganacsiga

Maraykanka oo sheegay in uu shinuhu isku dayayo in uu ka tuuro meeqaamka hogaminta caalamka.

MARC SCHULTZ/GAZETTE PHOTOGRAPHER
General Electric Building 37
MARC SCHULTZ/GAZETTE PHOTOGRAPHER General Electric Building 37

muwaadinkan Mareykanka ayaa faylal sir ah oo laga xaday shirakadda uu u shaqaynayey ku dhex qariyay sawir isagoo xogta ka dhigay qaab lambaro ah. Ka dib Mr Zheng ayaa sawirkii ku dirsaday email-kiisa.


Waxay ahayd farsamo afka qalaad lagu dhaho "steganography", oo ah hab lagu qariyo fayl xogtiisa gudaha warbixinta fayl kale oo aan sir ahayn. Mr. Zheng ayaa dhowr jeer sidan sameeyay si uu faylal xasaasi ah uga qaado shirakaddan uu u shaqaynayey.


Waxuu ahaa sawir u eg mid aan wax yeello ku duugnayn balse noqday jab ku yimid Zheng Xiaoqing, oo horay u ahaan jiray shaqaale u shaqaynayay shirkadda tamarta iyo korantada ee General Electric Power.

GE waa shirkad caalami ah oo caan ku ah shaqada daryeelka caafimaadka, tamarta iyo waaxyaha hawada, taasoo waxyaabo badan soo saarta laga billaabo Tallaagadaha wax qaboojiya ilaa matoorrada diyaaradaha.


Xogta uu Zheng xaday waxay la xidhiidhay naqshadaynta iyo samaynta marawaxadaha gaaska iyo uumiga oo ay ku jiraan marawaxadaha iyo shaabadaha marawaxadaha. Qiimaha xogtan la xaday ayaa lagu sheegay malaayiin doolar. Xogtan oo shiinaha loo diray ayaa ugu dambeyntii Faa’iido weyn u noqonaysa Dawladda Shiinaha, Shirkadaha iyo sidoo kale Jaamacadaha Shiinaha.


Zheng ayaa lagu xukumay labo sano oo xarig ah horaantii bishan. Waa kiiskii ugu dambeeyay ee taxane kiisas noocan oo kale ah oo ay mas'uuliyiinta Mareykanka soo oogeen. Bishii Nofembar Xu Yanjun oo u dhashay Shiinaha oo la sheegay inuu ahaa basaas ayaa lagu xukumay 20 sano oo xadhig ah, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu qorsheynayay inuu xado siraha ganacsiga ee dhowr shirkadood oo qaabilsan duulista iyo hawada Mareykank – kuwaas oo ay ku jirto GE.

Mar uu ka hadlayey kiiska Zheng ayuu Alan Kohler Jr oo ah Sarkaal sare oo FBI-da ka tirsan sheegay in Shiinuhu uu beegsanayo "xariifnimada Mareykanka" oo uu doonayo inuu "ka tuuro meeqaamkooda" hgoggaaminta caalamka.


Sannadkii 2015-kii Maraykanka iyo Shiinaha waxa ay gaadheen heshiis ay labada dhinacba ku ballan-qaadeen in aanay fulinayn "xatooyada internetka ee hantida cilmiga oo ay ku jiraan sirta ganacsiga ama macluumaadka kale ee faa'iidada ganacsi leh.


Sannadkii xigay, Hay'adda Ammaanka Qaranka ee Maraykanku waxay ku eedaysay Shiinaha inay jabiyeen heshiiska, inkastoo ay qiratay in tirada isku dayga loo sameeyay in la jabsado xogta dawladda iyo shirkadaha ay "si weyn" hoos ugu dhacday.