Talaado, 24 Nofembar 2026
Caalamka

Mareykanka iyo xulufadiisa oo ku heshiin wayay in taangiyada dagalka ee jarmal lagu wareejiyo Ukraine.

The West Gate entrance sign at Ramstein Air Base, Germany became the site of an impromptu memorial by German civilians in honor of the victims in Tuesdays terrorist attacks on the World Trade CenterÕs Twin Towers and at the Pentagon. Hijackers deliberately flew civilian airliners into the buildings,

Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa ku heshiin waayey in taangiyo dagaal oo Jarmal ah la geeyo Ukraine iyadoo Ruushku uu soo saaray hanjabaado uu dagaalku ku sii kordhin karo Yurub.

NATO iyo hogaamiyayaasha difaaca ee ilaa 50 wadan ayaa ku kulmay saldhiga ciidamada cirka ee mareykanka ee Ramstein ee dalka jarmalka maalintii jimcaha, waana shirarkii ugu danbeeyay ee hubka lagu yaboohay tan iyo markii ruushka uu galay dalka Ukraine 11 bilood ka hor.

Taangiyada ayaa laga yaabaa inay tilmaamaan kala qaybsanaanta sii kordheysa ee NATO dhexdeeda ee ku saabsan bixinta hubkaas.

Wasiirka difaaca ee Jarmalka Boris Pistorius ayaa beeniyay in Berlin ay si kali ah u hor istaagtay in taangiyada Leopard 2 la geeyo Ukraine, laakiin waxa uu sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay in ay si degdeg ah arrintan uga dhaqaaqdo haddii ay jiraan isafgarad dhexmara xulafada.

Ka hor inta aysan bilaabin duullaankeeda Febraayo 24, 2022, Moscow waxay ku eedaysay NATO inay wiiqday amniga gobolka waxayna u dirtay liiska shuruudaha amniga Mareykanka.

Ruushka ayaa ka codsaday NATO iyo xulafadiisa inay ka mamnuucaan Ukraine iyo dalalkii hore ee Soofiyeedka inay ku biiraan isbahaysiga, waxayna ugu baaqeen NATO inay hoos u dhigto dhaqdhaqaaqyada Bariga Yurub