Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Shirka dib u heshiisinta koonfur galbeed soomaaliya oo weli ka socda Beydhabo iyo qodobo muhiim ah oo weli la isku hayo.

Shirka dib u heshiisinta koonfur galbeed soomaaliya oo weli ka socda Beydhabo iyo qodobo muhiim ah oo weli la isku hayo.

magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Waxaa weli ka socda dadaalada xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taasi oo u dhaxeysa madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee kasoo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha.

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo 17-kii bishaan ka furmay Baydhabo ayaa waxaa weli socda kulamo gooni-gooni ah oo la isugu soo dhaweynayo dhinacyada, ayada oo dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirkaasi uu sheegay inay muhiim tahay in la helo Koonfur Galbeed heshiis.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo laf-dhabar u ah dadaalada lagu rabo Koonfur Galbeed heshiis ah ayaa waxa uu kulan la qaatay wafdi ka socda gobolka Bakool oo magaalada Baydhabo u jooga shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed, waxayna u badan tahay in Lafta-gareen hal-kiisa sano loo dhaafi doono