Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Talyaaniga iyo Liibiya oo kala saxeexday heshiis shidaal oo ku kacaya $8 bilyan.

Talyaaniga iyo Liibiya oo kala saxeexday heshiis shidaal oo ku kacaya $8 bilyan.

Wakaaladda tamarta ee Talyaaniga ee Ani iyo shirkadda Shidaalka ee dalka Liibiya ayaa kala saxeexday heshiis ku kacaya illaa $8 bilyan oo ah soo saarista gaasta.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu khafiifiyo gaas yarida soo wajahday qaaradda Yurub, inkasta oo Liibiya ay ka jirto xaalad amni darro iyo weliba fawdo siyaasadeed.

Heshiiskaan oo ay saxiixday RW talyaaniga jiyoorjiya miloonig
Iyadoo ku sugan magaalada tiriiboli ayaa lagu sheegay in uu bilaabmayo sanadka 2026 waxaana lagu hormarin donaa wax soo saarka dalkaas. Iyadoo la filayo in ay shaqo abuur fiican ka helan dadka ree Liibiya


Heshiiskaan ayaa lagu tilmaamay in uu socon doono mudo 25 sano ah iyadoo Heshiiskaan la sheegay in uu yahay maalgashigii ugu muhiim sanaa waxda tamarta Liibiya mudo rubac qarni ah.

Tan iyo wixii ka dambeeyay dulaankii Ukraine wadamada yurub waxaay dadaal ugu jireen in ay helaan wadamo ay ka iib sadaan gaaska si ay uga maarmaan ku tiirsanaanta tamarta ee Ruushka iyagoo xooga sarayay wadamo ku yaala waqooyiga Africa iyo bariga dhexe

Heshiiskaan ayaa waxaa laga yaabaa in ay kasoo horjeestaan dalal dhowr ah oo katirsan wadamada Khaliijka, kuwaas oo go’aankooda hadda ka baaraan degaya.