Turkiga oo sheegay in Finland uu u ogolyahay xubinimada NATO halka Sweden loo diiday.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo jeediyay in laga yaabo in Ankara ogolaato in Finland ay ku biirto Nato, laakiin aysan ahayn Sweden.
Waxa uu dhaleeceeyay diidmada Sweden ee ah in ay u gacan geliso tobannaan qof oo la sheegay in ay ku xidhan yihiin kooxaha Kurdiyiinta iyo kuwa kale ee dhaleeceeya dawladdiisa.
"Haddii aad si dhab ah u rabto inaad ku biirto Nato, waxaad nagu celin doontaa argagixisadan," ayuu yiri Mr Erdogan.
Hadalkiisa ayaa imaanaya maalmo kadib markii Turkiga uu hakiyay wadahadaladii uu ku doonayay inuu xubin ka noqdo labada wadan ee Waqooyiga Yurub.
Talaabadan ayaa ka dambeysay dibad baxyo is daba joog ah oo ka dhacay magaalada Stockholm oo uu ka mid ahaa mid lagu gubay kitaabka Quraanka Kariimka ah.
Mas'uuliyiinta Sweden ayaa cambaareeyay dibadbaxyada, balse waxay difaaceen sharciyada xorriyadda hadalka ee dalkaas.
Iyaga oo ka jawaabaya duulaanka Ruushka ee Ukraine, Sweden iyo Finland waxay codsadeen inay ku biiraan Nato sannadkii hore, taasoo soo afjartay tobanaan sano oo ciidan la'aan ah.
Codsigooda waa in ay si wada jir ah u ansixiyaan dhammaan xubnaha Nato ee hadda jira, laakiin Turkiga iyo Hungary ayaa ku guuldareystay inay ansixiyaan dalabkooda.
Khudbadiisa, Mr Erdogan wuxuu soo jeediyay in Turkiga laga yaabo inuu hadda bixiyo "jawaab ka duwan kan Finland," isagoo raaciyay "Sweden way nixidi doontaa".
“Waxaan Sweden siinay liis ay ku qoran yihiin 120 qof, waxaana u sheegnay inay u soo gacan geliyaan argagixisada dalkooda,” ayuu yiri Erdogan.