Qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan oo qasaaro badan dhaliyay.
Saraakiisha isbitaalka ayaa sheegay in ugu yaraan 59 ay ku dhinteen in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Peshawar ee waqooyi galbeed Pakistan.
tobanaan qof ayaa lagu dilay weerar bambaano oo lala beegsaday masaajid ku yaal dhismo ammaan oo ku yaal magaalada Peshawar ee waqooyi-galbeed Pakistan, sida uu sheegay mas'uuliyiinta.
Muhammed Asim, oo ah afhayeenka Isbitaalka Lady Reading ee magaalada Peshawar, ayaa Al Jazeera u sheegay in ugu yaraan 59 qof ay ku dhinteen qaraxa, 157 kalena ay ku dhaawacmeen. Booliska ayaa markii dambe xaqiijiyay tirada dhimashada.
Ninka weerarka geystay ayaa is qarxiyay isagoo ka mid ahaa dadkii cibaadeysanayay. Maamulka ayaa sheegay in 27 ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen saraakiil booliis ah
Sarbakaf Mohmand, oo ah taliyaha Taliban Pakistan (Tehreek-e-Taliban, ama TTP), ayaa markii hore ku sheegtay mas'uuliyadda weerarka Twitter-ka.
balse saacado ka dib, afhayeenka TTP Mohammad Khurasani ayaa kooxda ka fogeeyay duqeynta, isagoo sheegay in aysan ahayn siyaasadooda in la beegsado masaajida, machadyada iyo goobaha diinta. Ma uusan ka hadlin sababta taliyaha TTP uu u sheegtay mas'uuliyadda qaraxa.
"Tehreek-e-Taliban wax shaqo ah kuma lahan weerarka," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay TTP.