Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

RW Xamsa oo Saldhigga Ballidoogle tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab.

RW Xamsa oo Saldhigga Ballidoogle tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Safarka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gaashaandhigga, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa Saldhigga Ballidoogle Tabar ugu soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka oo kaalin ka qaadatay tababarka ciidankan Xoogga gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab.

Cutubyadaan maanta soo dhameystay tababarka Ciidan ayaa la filayaa in ay ka qeyb noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ka socda inta badan Gobollada Dalka, kaas uu ku baaqay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.