Ciidanka Booliska oo sheegay in duleedka Muqdisho ku dileen xubin ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidanka booliska saldhigga degaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada muqdisho ayaa la sheegay inay dileen Nin katirsan Al-Shabaab, kaas oo doonayay in uu dilo askari katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
War kasoo baxay Taliska qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Ninka oo ku hubeysnaa Bustoolad ay Ciidamadu ku toogteen isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim xilli uu doonayay in uu dilo askari kamid ah Ciidamada Aruuriya Canshuuraha ee Minishiibiyada.
Taliyaha Qeybta Galbeed ee Boliiska Gobalka Banaadir G/lle dhexe Yaasin Nuur Kheyre ayaa sheegay in wada shaqeynta shacabka iyo Boliiska ay sahashay in la toogto ninkaasi
Dhinaca kale Gudoomiyaha Garasbaalley Nuur Xasan Cali ayaa faah faahin ka bixiyay ninka lagu toogtay xaafada Tabbellaha Sheekh Ibrahim.