Doorashada kursi katirsan Golaha Shacabka oo la filayo iney ka dhacdo Muqdisho
Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11aad ayaa shaaciyey jadwalka qabashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo deegaan Doorashadiisa Tahay Maamulka Hiirshabelle.
Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in kursigan doorashadiisa laga soo wareejiyey Baladweyne sababo la xiriira dhinaca amaanka, laguna qabanayo Magaalada Muqdisho.
Kursigan oo uu horey ugu guuleystay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin balse loo diiday ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiin dhowr ah oo ay ku jiraan rag si weyn ugu dhowaa madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo.
