Beesha reer xaaji Saleebaan oo Madaxwayne Xassan Shiikh ku eedeeyay in uu sad bursiga xileed u sameeyay beesha uu ka soo jeedo.
Xubno ka tirsan beesha Saleebaan habargidir ayaa ku eedeeyay madaxwayne Xassan Shiikh maxamuud in uu xilalkii ugu badnaa ee dawladda iyo gobolka Banaadirba siiyay qooyska uu hayb ahaan ka soo jeedo.
Xubnaha beeshaas oo uu hogaaminayay Uagaas Bashiir Ugaas maxamed Ereg ayaa ku tilmaamay hanaanka wax loo qaybiyay mid beeshiisu ay ku dulman tahay.
Waxaa ay ku tilmaameen sida loo qaybiyay xilalka Gobolka iyo kan garsoorka mid cadaaladda ka baxsan oo lagu dulmiyay beesha reer xaaji Saleebaan.
Ma ahan maarkii koowaad ee beesha reer Xaaji Saleebaan ka hadasho arrimaha awood qaybsiga gaar ahaan dhanka xilalka, waxaana ay wali sheeganayaan in aanay jirin cid ka jawaabtay cabashadooda.
Si kastaba ha ahaatee, dawladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxwayne Xassan Shiikh ayaa waxaa soo foodsaaraya caqabado dhanka xilalka ah, taasi oo ay dawladda dhexe ku wayn karto taageerada beelo lafdhabar u ahaa guusha dawladnimada maanta jirta.