Gabdho la sumeeyay si aanay waxbarashada u aadin.
tobanaan ka mid ah gabdhaha sunta loo adeegsaday ayaa isbitaal la dhigay iyaga oo sheeganaya cabashooyin ay ka mid yihiin dhibaatooyin xagga neefsashada ah, dawakhaad iyo daal.
Wasiir ku xigeenka caafimaadka Iran Yunus Panahi, oo shir jaraa’id qabtay 26-kii Febraayo, ayaa yiri, "Waxay u muuqataa in dadka qaar ay rabaan in la xiro dhammaan dugsiyada, gaar ahaan dugsiyada gabdhaha."
Gabdho la sumeeyay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa sheegya in ay usoo urayeen waxyaabo sida lint iyo kalluun qudhmay oo kale ah
waxyaabaha loo adeegsaday sumeynta waxay ka kooban yihiin kuwo dukaamada laga heli karo," ayuu yiri Dr. Panahi wuxuu intaas ku daray in suntani aysan ahayn halis saas u weyn loona baahneyn inay keento argagax.
Panahi ayaa markii dambe sheegay in hadaladiisa si qaldan loo fahmay. Habkan ayaa ah mid inta badan ay adeegsadaan mas’uuliyiintu marka aysan jirin bartilmaameed ay ku eedaynayaan oo aysan garaneyn sida loo demiyo cadhada shacabka.
Magaalada Qom ee muxaafidka ah ayaa lagu arkay kiisaska ugu badan.
Balse gabdho iskuuley ah ayaa lagu sumeeyay siddeed magaalo oo kale oo dalka ah, Dareen-celinta dadweynaha ayaana sii kordheysa.