Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah oo daahfuray mashruuca ka jawaabista dhibaatooyinka Soomaalida.
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa si rasmi ah u daahfuray mashruuca Mashruuca ka jawaabista dhibaatooyinka Soomaalida
Daahfurka Mashruucaan waxaa ka qeybgalay wasiirada Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka socota Hay’adda FOA oo mashruucan fulineysa.
Wasiirka oo hadal kooban ka jeediyey daahfurka mashruuca ayaa sheegay in mashruucan uu ahmiyad weyn u lee yahay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada nugul ee ku tiirsan Kalluumeysiga.
Wasiirka ayaa dhammaan dhinacyada ka shaqeynaya mashruucan ku wargaliyey in ay muhuum tahay in lagu dedaalo hufnaanta shaqada si mashruucan uu u noqdo mid waxtar u yeesha bulshada Soomaaliyeed ee ka faa’iidesaneysa.