Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay dhibaatada maandooriayaha iyo Amni xumada ka jirta Muqdisho
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in Shacabka Caasimadda looga baahan yahay in ay ka qaybgalaan dagaalka ka dhanka ah Walxaha maanka-dooriya.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in aanay la aqbali Karin in laga ganacsado, la isticmaalo oo Muqdisho lagu dhex qariyo ‘Daroogada, Ciyaal-weerarada oo dhibaato ku ah xasiloonida Gobolka Banaadir waa sida uu hadalka u dhigay.
Ololaha la dagaalanka Walxaha maanka-dooriya ayuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale in uu kasii socon doonno Caasimadda.
Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa billaabay kulamo xooggooda looga hadlayo amniga, la dagaalanka Walxaha maanka-dooriya & dhalinyarada loo yaqaan Ciyaal-weerarada.