Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Duqa Muqdisho oo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya MR Alberto Vecchi.

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Danjiraha Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya MR Alberto Vecchi iyaga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga Safaarada Talyaaniga ee Muqdisho iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan u dhaxeeyay Duqa Magaalada Muqdisho iyo Safiirka Talyaaniga ayaa Sidoo kale looga hadlay arrima ay kamid yihiin, dib udhiska xarumaha danta guud, sida Isbitaalada, M.C.H.yada, Wadooyinka muhiimka ah oo ay horey u dhistay Dowladda Talyaaniga.

Sidoo kale kulanka Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa looga hadlay sidii loo dhisi lahaa xarumaha farsamada gacanta, maareenta Barakacyaasha iyo dib usoo celinta xiriirka Magaalooyinka Muqdisho iyo Liberty.