Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Waqooyiga Kuuriyada oo mar kale tijaabisay Gantaal ridadadhexe ah.

Waqooyiga Kuuriyada oo mar kale tijaabisay Gantaal ridadadhexe ah.

Kuuriyada Waqooyi, ayaa gantaal riddada gaaban u ridday dhanka badda oo ka baxsan xeebaha bari ee gacanka Kuuriya
Axaddii.

Warkan, ayaa laga soo xigtay dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, tijaabooyinkii ugu dambeeyay ee hubka Nukliyeerka.

Tijaabadan afraad ee toddobaadkan, ayaa imanaya iyadoo maamulada Seoul iyo Washington ay qabteen dhoola tuskoodii
milatari ee ugu weynaa muddo shan sano ah.

Seoul ayaa cambaareysay gantaallada ballistic-ga ee Kuuriyada Waqooyi ay dhawaan riday, waxayna ku tilmaantay "xadgudub
cad", oo la xiriira qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wax yar ka dib markii la soo gudbiyay warkan, Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Kuuriyada Koonfureed, ayaa sheegtay in
Maraykanku uu geeyey bam istiraatijiyadeed oo ah nooca B-1B dhoolatuska cirka ee wadajirka ah.

Maamulada Seoul iyo Washington, ayaa shaaca ka qaaday inay u sameynayaan arrintan, si kor looggu qaado kahor tagga halis
dheeraadka ah.