Madax DF Soomaaliya oo diray hambalyo ku aadan Bisha Ramadaan
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay in laga faa’iideysto barakada iyo khayrka bisha Ramadaan, ayada oo Alle SWT loo dhowaanayo
Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in la’isku gurmado, si loo caawiyo dadka danta yar ee ku nool gudaha waddanka, isla-markaana aan heysan afurka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed curashada bisha barakaysan ee Ramadan, isaga oo sheegay inay tahay bishii cibaadada iyo is cafinta loona baahan yahay in laga faa’iideysto.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan ummadda Islaamka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana uu Alle uga baryay in ay si wanagsan u gutaan acmaasha soonka.