Dowladda Federaalka & DG Jubbaland oo maalintii labaad gurmad bani aadamnimo geynaya Degmada Baardheere.
Dowladda Federaalka & DG Jubbaland oo kamid ah Dowlad- Goboleedyada hoostaga ayaa maalintii labaad waxa ay gurmad
bani aadamnimo u qorsheeyeen in la geeyo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo saameyn taban ay ku reebeen daadadka
Roobka & Fatahaadda Webiga Jubba uu ku sameeyay Degmadaas.
Qorshaha xiga ee DG Jubbaland ay ka damacsan tahay Degmada Baardheere waa in ay dib u dhis ku sameyso goobta biyuhu
karkaarada ka jabsadeen si looga hortago fatahaad kale oo saameyn taban ku reeba Dadka iyo Duunyada.
DG Jubbaland oo ay ku adag tahay in mas’uuliyiintooda tagaan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo sababa la xiriira khilaaf
siyaasadeed ee sanadihii u dambeeyay kala geeyay saraakiisha Ciidanka ee jooga Gobolkaas & Dowlad-Goboleedkaas ayaa
Dowladda Dhexe u mareysa gurmadka la gaarsiinayo Dadka saameynta taban ku reebtay Fatahaadda.