Dabley reer Falastiin ah oo khasaare nafeed u geystay askar ka tirsan ciidanka Israel.
Laba askari oo Israa’iili ah ayaa lagu dhaawacay sida ay ciidamadu sheegeen, rasaas ay ku fureen gaari ay wateen koox
hubeysan oo Falastiini ah oo ku sugnaa magaalada Huwara ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.
Jabhadda caanka ah ee Xoreynta Falastiin ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay fulisay toogashada. Ciidamada ayaa
sheegay in ay ku raad joogaan dableyda weerarka fulisay.
Waxay ahayd toogashadii saddexaad ee laga soo sheegay agagaarka Huwara muddo bil gudaheed ah, taasoo sare u qaadaysa cabsida laga qabo in rabshado kale dhacaan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.