Maxkamadda Ciidamada DG Puntland oo Xukun dil ah ku ridday 10 Qof oo ku eedeysan in ay dilal geysteen.
Maxkamadda cijdamada Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 10 nin oo ku eedeysnaa inay katirsan yihiin Alshabaab.
Eedeysanayaasha dilka lagu xukumay waxaa kamid ah, Cadde Cabdulahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Jaamac
Sayloor, oo ahaa raggii Gaalkacyo ku dilay weriye Jamaal Faarax Aadan .
Labadan nin ayaa mar kale lagu riday xukun dil ah kadib markii ay racfaan ka qaateen xukun dilka ahaa ee horey loogu diray.
Dadka ay Puntland xukunka ku riday ayaa lagu helay inay ahaayeen Shabaabkii dilal ka geystay magaalada Gaalkacyo.