Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Safar Ugu Baxay degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeelada dhexe.

Madaxweyne Xasan Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Safar  Ugu Baxay degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeelada dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambo baxay degmada Aadan Yabaal ee
gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana saakay si weyn loo adkeeyay ammaanka degmadaasi.


Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdgiisa oo ay kamid yihiin wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, taliyaha
ciidanka xoogga dalka iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa kaga horeeyay degmadaasi masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle
iyo saraakiil ciidan.


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa degmada Aadan Yabaal kulamo kula qaadan doona masuuliyiinta halkaasi joogta iyo saraakiil
ciidan, kuwaa uu kala hadlayo sidii mar kale loo bilaabi lahaa wajiga labaad howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.