Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Maamulka G/Banaadir & laamaha Amniga oo shir ka yeeshay dhibaatada ciyaal weerada

Maamulka G/Banaadir & laamaha Amniga oo shir ka yeeshay dhibaatada ciyaal weerada

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo qaar kamid ah ku xigeenadiisa ayaa shir gaar ah uga qayb-galay degmada Kaaraan, kaas oo looga hadlayey xaaladda amniga.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa maamulka Kaaraan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi, ayada oo inta badan laga hadlay dhibaatada Kaaraan.

duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Kaaraan ay tahay degmada ugu dilalka badan ee gobolka Banaadir, isla-markaana ay ku sugan yihiin kooxo biurcad iyo ciyaal weero oo si isku mid ah u dhibaateeyada dadka shacabka ah.