Ciidamada Nabadsugida, Booliska Gobolka Banaadir oo holwgalo ak sameyey Muqdisho
Ciidamada Nabadsugida, Booliska Gobolka Banaadir & kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa howlallo amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir, sigaar ah Waaxyaha Janeraal Daa’uud iyo Xaawo-Taako.
Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamada waxaa ay mararka qaar gudaha u galayeen Guryaha laga shakiyo, waxaana saraakiisha Ciidamada ay howlgalka ku sheegeen in uu yahay mid looga hortagayo Kooxaha Burcadda ah, ciyaal weerada & dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa Digniin u diray Burcad weerada iyo waalidiintooda.