Taliska qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo ka hadlay howlgalo muhiim ah.
Taliska qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ay ku guuleysteen inay burburiyaan Goob lagu farsameeynayay waxyaabaha maanka dooriya si gaar ah calaqa, taas oo ku taalla Waaxda Cirfiid degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir.
Goobtaan ayaa Sarakiisha Ciidamada Boolisku sheegeen inay aheyd goob weyn oo lagu sameeynayay Calaqa, si loogu iibgeeyo qeybaha kale ee Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka Shaqeeynayeen Dhalinyaro farabadan.
Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in marnaba la aqbaleyn in xashiish iyo waxkasta oo Maanka dooriya la beerto, isla markaana hub inta lagu gato darajo lagu gaaro.