Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland oo ay kawada hadleen dib usoo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.
Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo martigeliyay fadhiyo badan oo ay yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Somaliland si ay uga wadaxaajoodaan tabashooyinka jira si looga gudbo.
Cabdikariin Xuseen Guuleed, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Arrimaha Somaliland ayaa u baahan in uu helo waddan martigelin kala Madaxda Dowladda Federaalka & Somaliland si ay u wadahadlaan.
Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in uu si toos ah wadahadalka u jiheynayo in laga wada hadlo qodobada tabashada keenay si natiijo fiican usoo baxdo, waxa uu intaas ku daray in ay ka go’an tahay ka gungaarista howsha uu u igmaday Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.