Laama amaanka dowlada oo Howlgalo ka sameeyey Muqdisho iyo Rag dembi halis ah ku eedeysan oo lagu qabtay howlgalkaasi.
Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay Eedeysanayashan ku eedeysan inay kufsi u geysteen gabar Soomaaliyeed.
Booliska oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay iney socdaan baaritaano ku saabsan kiiskan, isla markaana la horgeyn doono Cadaalada.
Waxaa lagu kala magacaabaa labada nin -Axmed Macalin Cabdi 22 Jir iyo Cali Axmed Nuur 33 jir .
Dhinaca kale, Booliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa wada howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga iyo Xasiloonida Caasimada.
Ciidanka Boliiska iyo kuwa Polizia Militare ee dhowaan lagu soo tababaray Ugandha ayaa iska kaashanaya sugida Amniga si dadku nabad ugu cibaadeysto. Howgaladan socon doona Ilaa inta Amniga laga xaqiijinayo.