Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada oo kormeer ugu tagay ciidamada cusub ee la wareegaya Amniga caasimada

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada oo kormeer ugu tagay ciidamada cusub ee la wareegaya Amniga caasimada

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Qaranka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska ayaa kormeeray Degmooyinka dhaca duleedka Muqdisho.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida xaalada amniga Caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta laamaha Amniga, maamulada degmooyinka iyo bulshada, waxaana goobaha la kormeeray kamid ahaa Degmooyinka xiga galbeedka ee Muqdisho gaar ahaan Saldhiga cusub ee Degmada Kaxda iyo Saldhig Galbeed ee Degmada Dharkeenley halkaas oo ay ku diyaarsanaayeen ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay xasilinta Caasimadda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin ayaa kula dardaarmay Ciidanka Amniga in ay si hufan u wada shaqeeyaan islamarkaana si dabacsan loola dhaqmo Shacabka.