Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Dagaalkii Khartuum oo Maalintii labaad galay & qaraxyo culus oo laga maqlayo.

Dagaalkii Khartuum oo Maalintii labaad galay & qaraxyo culus oo laga maqlayo.

Dagaalkii lama filaanka ahaa ee shalay ka bilowday Magaalada Khartuum ee dalka Sudan ayaa galay maalintii labaad kaasoo u dhexeeya milateriga talada haya ee dalkaas ciidamo loo yaqaano gurmadka deg dega ah .

Qaraxyo xoogan iyo tacshiirado ayaa saaka mar kale laga maqlayaa magaalada Khartuum, gaar ahaan meel u dhow xaafadda Al-Riyaadiya oo ciidanka labada dhinac ay ku loolamayaan.

Milatariga Sudan ayaa duqaymo cirka ah ku qaaday saldhig xalay ciidan oo u dhow caasimadda si ay dib ugu soo celiyaan xukunka dalkaasi ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhintay dagaalkii shalay.