Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kulan la yeeshay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Ware.
Danjiraha ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhambaal salaan ah oo uu ka waday Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Itoobiya, iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Aqalka Sare.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa wada kulamo uu la yeelanaya wakiillada Beesha Caalamka, isaga oo April 12, 2023-ka uu kulan la yeeshay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Maxamed Ibraahim Yuusuf.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Itoobiya ay u soo magacaabatay Soomaaliya Muktar Mohamed Ware, 14 March, 2023-ka ka dib munaasabad ka dhacday Aqalka Dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia.