GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SALAADA CIIDA KULA TUKADAY MAS'UULIYIIN IYO SHACABKA SOOMAALIYEED MASJIDKA ISBAHEYSIGA
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Masaajidka Isbaheysiga Islaamka salaada Ciida kula tukaday Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda, wasiiro ka tirsan Xukuumadda, mas'uuliyiin kale iyo dadweyne aad u tira badan.
Guddoomiye Sheekh Aadan oo dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee Ciiddul Fitri, ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo amni.