Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Oo Beledweyne u tagay xalinta khilaafka kala dhaxeeyo maamulka Hiiraan
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray Magaalada Beledweyne ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka koobnaa Wasiiro iyo Masuuliyiin kale waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, iyo Ku Xigeennadiisa, Maamulada degmooyinka Beledweyne, Maxaas, Farlibaax, Feerfeer iyo Matabaan, Saraakiisha Hay’adaha amniga, Saraakiisha Ciidamada Hiilwalaal, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Khilaaf u dhexeeya maamulka Hirshabelle iyo Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sababay in gaadiid badan ay ku xayirmaan safarkooda waxana uu amray Madaxweynaha Hirshabelle in gaadiidkaas la fasaxo oo safarkooda ay wataan.