Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Ciidan ka gadoodsan Doorashooyinka Dadweyne ee Puntland oo qabsaday qaar kamid ah Sanaadiiqda Codbixinta.

Magaalada Garawe ee caasimadda Puntland, ayaa laga dareemayaa xiisad ka dhalatay ciidamo hubeesan oo xoog kula wareegay qaar kamid ah agabkii loogu tala galay in lagu qabto doorashada qof iyo cod.

Ciidamo hubeysan oo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland, ayaa xoog kula wareegay qaar kamid agabkii doorashada loogu tala galay in lagu qabto, waxaana la sheegay in ciidankaasi agabka qaarkood ay gubeen.

Ciidamada qalabka doorashada la wareegay oo la baxay magaca kumaandooska Danab ayaa la sheegay in qaarkood kasoo baxeen furumaha dagaalka magaalada Laascaanood oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen.

Qalabkii doorashada sida sanaadiiqda codeynta doorashooyinka ee loo waday degmooyinka Dangoroyo iyo Burtinle, ayey xoog kula wareegeen ciidamada taabacsan siyaasiyiinta kasoo horjeeda doorashada qof iyo cod, xilli la marsiinayay meelo kamid ah magalada Garoowe.