Xukuumadda Saciid Deni oo Magaalada Garoowe ka mamnuucday in lagu dhexsito hubka sharci darrada ah
Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa qabatay shir looga hadlayay amniga guud ee Puntland, gaar ahaan Amniga Magaalada Garoowe, oo dhawaan uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Mucaaradka Saciid Deni.
Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladda Amniga Guud ee Puntland, ku dhaqanka xeerka Amniga Caasimadda oo baarlamaanku meelmariyey, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta Amniga Gudaha. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shirka.
Shirka waxaa ka soo qaybglay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Ismaaciil Saleebaan Geelle, Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Muumin Cabdi Shire, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir Faarax, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Nugaal Mukhtaar Faarax Jeer, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed, Duqa Caasumadda Cabdiqaadir Axmed Maxamuud iyo madax kale.