Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

XEER ILAALIYAHA QARANKA OO SHAACIYAY 18 MAS’UUL OO BAXSAD KA AH CADAALADA.

XEER ILAALIYAHA QARANKA OO SHAACIYAY 18 MAS’UUL OO BAXSAD KA AH CADAALADA.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay Liiska mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo baxsad ka ah cadaalada.

Waxa uu sheegay in 18 Masuuliyiin ah oo baxsad ka ah cadaaladda ay jiraan, loona heysto musuq maasuq, wuxuuna raja ka muujiyay iney cadaalada wajahaan.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay iney xiriir dhow la leedahay booliska adduunka ee Interpol oo ay awood u leeyihiin iney gacanta kusoo dhigaan kuwa isku daya iney dalka ka baxsadaan.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyeen liiska 18 eedeysane oo loo heysto musuq maasuq, been abuur document, lunsasho iyo leexsasho xatooyo xoolo dadweynekuwaasoo isugu jira 9 maxbuus oo xiran iyo 9 xubnood oo baxsad ah.

1:C/raxman C/Kariin Ibraahin ahna Madax qaybeedka Ruqsad siinta Ajaanibta Wasaaradda shaqada

2: C/laahi Daahir Wehliye Ahna Qasnajiga qaybta Ajaanibta

3: C/waaxid Muxisn Ibraahin Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada

4: Muxudiin Xasan Jurus ( Saabey)Agaasimihii Waaxda Canshuuraha Bariga

5: Maxamed Idiris Axmed Madaxii Qaybta Canshuuraha dadbadan

6: Maxamed Aadan Jimcaale ( Koofi) Agaasimihii Hay,adda Socdaalka

7: C/qaadir Celmi Cali Agaasimaha guud Hay,adda Socdaalka & Jinsiyadaha

8: C/raxman Caadle Agaasimihii hore waaxda Ajaanibta Hay,adda Socdaalka

9: Abuubakar Xasan Aadan madaxii hore ee Fiiso Kordhinta.