Ra’iisul Wasaare Xamze Oo Kulan La Qaatay Guddiga Dib U Daabacaada Shilin Soomaaliga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre oo kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacidda Lacagta Shilinka Soomaaliga.
Ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo lacagta dalkeenna, si wax looga qabto sicir-bararka iyo nolosha adag ee ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee dib u habeynta hannaanka Maaliyadeed ee dalka, iyadoo ay socoto dhismaha iyo howlgelinta xarummaha Bangiga dhexe ee dowlad-gobolleedyada, lana ballaarinayo latashiyada iyo hagidda daabicista lacag-ta uu yeelanayo dalkeennu oo ay door ku wada yeelanayaan dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.
Dhankooda, Guddiga Hagidda Mashruuca Kal-kaal ee dib-u-daabicidda Shilin Soomaaliga ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin dhameystiran ka siiyey halka uu marayo mashruucani iyo caqabadaha jira ee u baahan in laga gudbo, si uu dalku u yeesho lacag cusub.