Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka iyo waxa waxa uu yahay is-afgaradkii ay kala saxiixdeen labada dal.
Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan tegey dalka Ruushka ayaa magaalada Mascow kula kulmay Sergey Lavrov oo ah wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, waxayna labada wasiir ka wada hadleen arrimaha xoojinta xiriirka labada waddan, Deyn-cafinta, maaddama Ruushka uu ka mid yahay dalalka Deynta ugu badan ku leh Soomaaliya iyo in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya.
Wasiir Huruuse ayaa sheegay inaanu u jirin warka heshiiska sida warbaahinta qaar u dhigeen, balse uu jiro heshiis ku kooban MOU oo ah iskaashiga xiriirka caalamiga ah, wuxuuna meesha ka saaray inuu jiro heshiis ciidan oo ay Ruushka la galeen.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daddaalka xooggan ku bixineysa xoojinta xiriirka caalamiga ah ay Soomaaliya la leedahay dalalka intiisa kale.