labbo wasiir oo diiday in ay ka horyimaadan gudiyada Barlamaanka .
Wasiirka Batroolka A/risaaq Cumar iyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Khadiijo Almakhzoumi ayaa laga yaabaa in looga yeero Baarlamaanka, kadib markii ay ka dhaga adeegeen warqadii casuumaada aheyd ee ay u direen Guddiga Kheyraadka ee Baarlamaanka, kuwaasi oo doonayay inay su’aalo weydiiyaan labada Wasiir, sida ay TV-ga SMS-ka u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirada qaar ayaa bilaabay inay diidaan inay horyimaadaan guddiyadaasi, iyadoo uu socdo baaritaan iyo su’aalo la xiriira qaabka ay u maamulaan wasaaradahooda.