Saacid Cabdi Xasan oo ah Aabaha dhalay wiil yar oo kismaayo lagu dilay ayaa sheegay in Maxakamadda la hor geeyay gabdhii lagu tuhmayay dilka camugiisa.
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Magaaladaasi ay ka dhacday dhacdo fajac iyo layaab ku noqotay dadka degaanka, kadib markii Haweenay ay Ceejo ku dishay Wiil uu dhalay Nin Askari ah.
Aabbaha dhalay Wiilka ayaa sheegay in falkaasi ay ka dambeysay Haweenay gurigiisa ka shaqeynaysay. Sidoo kale Aaabaha dhalay Saqiirkaasi lagu dilay Kismaayo ayaa intaasi ku daray in Haweenayda oo gacanta lagu dhigay ay sheegtay in Wiilka iyadoo kor u haysa uu ka farabaxsaday,xili ay doonaysay inay dhar ka bedasho, inkastoo sida wararku tilmaayaan ay ka muuqdaan jirdil aad u xooggan, waxaana loo badinayaa in la ceejiyay.