Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidamada dowladda oo howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda oo howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa xoogiisa si gaar ah uga dhacay tuulada Sigato oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga deegaanka Ruunirgood, halkaas oo la tilmaamay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay isku aruursanayeen.

War kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka ay howlgalka ku burburiyeen fariisimo ay ku lahaayeen kooxda Shabaab tuulada Sigato, gaadiid iyo saanad ciidan.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay howlgalo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Daarunicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay in ka badan 100 dagaalame oo ka tirsana Al-shabaab.