Rag U Dhashay Uganda Iyo Tanzania Oo Doonayay Inay Ku Biiraan Al-shabaab Oo Lagu Xirey Garissa.
Booliska Kenya ayaa ku xirey magaalada Garissa lix ruux oo shan ka mid ah ay ka soo jeedaan dalka Tanzania halka midka kalana uu u dhashay dalka Uganda, iyagoo doonayay inay soo galaan dalka Soomaaliya kuna biiraan Alshabaab.
Booliska ayaa magacyadooda ku sheegay raggan la qabtay Muhamed Jahad Farah, Saad Suleiman Saleh, Nadrik Mbwana Salum, Abdul Kadir Salum Seif iyo Ali Issa Ali, oo dhamaantood u dhashay Tanzania iyo Hassan Tourabih Kintosa oo u dhashay Uganda.
Waxay sidoo kale sheegeen Booliska in markii su’aalo la weeydiiyay, raggan la qabqabtay inay qirteen inay u socdeen Soomaaliya si ay ugu biiraan al-Shabaab.
Xiritaanku waxa uu imanayaa wax yar laba toddobaad ka dib markii mar kale la xidhay saddex nin oo u dhashay Tanzania oo kala ah Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo iyo Seif Abdalla Juma oo lagu qabtay Korakora, Garissa, ka dib markii ay dadweynuhu soo wargeliyeen joogitaankooda aagga.
Saraakiisha ayaa sheegay in labo kale oo Tanzanian ah oo kala ah Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili, 25, iyo Sadam Jafari Kitia, 30, lagu qabtay 12-kii July iyagoo gacanta ku haya buug xusuus qor ah oo ku qornaa luqadda Sawaaxiliga oo ay u adeegsanayeen inay ku hagaan safarkooda Tanzania ilaa magaalada Jilib ee dalka Soomaaliya.
Wada shaqeyn dhexmartay hay’adaha amniga iyo shacabka ku dhaqan gobolada Waqooyi ayaa noqday mid wanaagsan, waxaana dadka deegaanku ay noqdeen kuwa diyaar u ah inay xogta la wadaagaan maamulka deegaanka.