Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Galmudug oo xaalad deg deg ah la geliyay iyo howlo badan oo socday oo la hakiyay

Galmudug oo xaalad deg deg ah la geliyay iyo howlo badan oo socday oo la hakiyay

Galmudug waxaa hadda ka socda abaabulkii ugu dambeeyay howlgalo balaaran oo lagu doonayo in looga saaro kooxda Al Shabaab oo wali maamusha deegaanno iyo degmooyin dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay ka hadlay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 17-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay Galmudug, ayaa sheegay in xaalad deg deg ah lagu soo rogay Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in Dowlad-Goboleedkiisa uu xoogga saaray dagaalanka ka dhanka ‘AS’ isla markaana si Kumeel-gaar ah ay hakiyeen howlihii caadiga ahaa si dagaalka looga qaybgalo.

Guddiga arrimaha degdega ah oo qabanaya abaabulka dagaalka ka dhanka ah ‘AS’, xasilinta Deegaannada Gacanta lagu dhigo & taakuleynta kaas oo ka kooban Golaha Wasiirrada Dowlad-Goboleedka Galmudug waa sida uu sheegay Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in ‘AS’ ay ka shaqeynayaan sidii la isaga hor keeni lahaa beelaha walaalaha ah si ay uga faaiideystaan dagaallada culeyska lagu saaray waa sida uu hadalka u dhigay.

Abaabul ciidan iyo dhaqdhaqaaq xooggan oo ka dhan ah Degmooyinka & Deegaannada weli ay ku sugan yihiin ‘AS’ ayaa ka socda Dowlad-Goboleedka Galmudug, Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa in ka badan 10 cisho u jooga Dhuusamareeb dardargelinta howlgalladaas.