Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidamo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab oo laga sagootiyay Muqdisho

Ciidamo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab oo laga sagootiyay Muqdisho

Siyaasin iyo xildhibaano ayaa magaalada Muqdisho ka ambabixiyay kolonyo ciidaan abaabulan oo dhawaan ku biiri doono dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Ciidamadan  furimaha dagaalka u baxay ayaa waxaa hogaaminaya qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir, waxa ayna ku biiri doonaan ciidamo kale oo furumaha dagaalka Shabeelaha Dhaxe ku sugan.

Agaasime Bashir Macallin Cali ayaa balanqaad u sameeyay ciidamada dawladda ee la dagaalamaya AS, in abaalmarino la siin doono.

Sidoo kale Xildhibaan hore Caraboow ayaa  ka hadlay xaaladda dagaalka dawladdu kula jirto AS.