Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Ra’iisul Wasare ku xigeenka oo Muqdisho ka daahfuray mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasare ku xigeenka oo Muqdisho ka daahfuray mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya

Ku simaha Ra’iisul Wasaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya, kaas oo wax ka tari doona ka jawaab celinta xasaradaha deg-degga ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal-gelineed ee Xarunta Qaran ee howlgallada gurmadka degdegga ah, taas oo qayb ka ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SODMA).

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xiligaan dagaalka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan si Bulshada dalka ay u gaaraan xasillooni buuxda.

“Saalax Jaamac ayaa sheegay Al-Shaabaab ay caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna Xukuumadda #DanQaran dhinac waddo dagaalka khawaariijta barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey khawaarijta iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hay’adda SODMA iyo  Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya kuwaas oo ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.